اخر الاخبار Madaxweyne Farmaajo oo fariin culus u diray ciidamada

اليمن العربي 0 تعليق ارسل طباعة تبليغ

اخر الاخبار اليوم حيث Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed, waxaana uu kala hadlay sidii culimada Soomaaliyeed ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Bulshada Soomaaliyeedna ay ugu wacyi gelin lahaayeen afgaarta qaldan ee kooxda Al-shabaab ay isticmaasho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna. Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.”

Dhanka kale, Culumada oo la wadaagay Madaxweynaha aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

هذا المحتوي ( اخر الاخبار Madaxweyne Farmaajo oo fariin culus u diray ciidamada ) منقول بواسطة محرك بحث مصر 24 وتم نقله كما هو من المصدر ( اليمن العربي )، ولا يعبر عن وجة نظر الموقع ولا سياسة التحرير وانما تقع مسئولية الخبر وصحته علي الناشر الاصلي وهو اليمن العربي.

أخبار ذات صلة

0 تعليق